QALINLE IYO HADRAWI

HAL-ABUURKII “HADRAAWI”
TAXANAHA QAYBTII 3-AAD
Maxamed Bashe Xasan
Sannadkii 1973kii waxa uu Hadraawi soo saaray oo hal-abuuray riwaayad kale. Waa Riwaayaddii TAWAAWAC oo dadka badankiisu u yaqaan HAL LA QALAY. Riwaayaddani ma gole iman oo laguma soo bandhigin faagarayaashii fanka si loo daawado. Waxa la qabtay markii la baadhayey ee la dhuganayey ujeeddada ay ka ambabaxayso iyo halka ay ku biyo shubayso ee ay shafka dhiganayso. Taliskii ciidamadu waxa uu joojiyey dhigitaankeeda, waxanu mamnuucay oo xaaraantinimeeyey dhegaysigeeda, waxana xabsiga loo taxaabay Maxamed Ibraahim Warsame oo markii horeba ul booc ah loogu tukubayey oo la iska maagganaa ka dib curashadii Siinleyda.
Heesaha riwaayaddan lagu xusuusto waxa ka mid ah heesta magaca riwaayaddaba la siiyo ee Hal la qalay oo hees la yaab leh ah, waxana ka mid ah ereyadeeda:
Hal la qalay raqdeed baa,
Lagu qamaamoo,
Qalalaasihii baa,
Ninba qurub haleeloo,
Laba waliba qaybteed,
Qorraxday ku dubatoo,
Qoloftiyo laftii baa,
Lagu liqay qalaylkee;
Qosol wuxu ka joogaa,
Qubanaa dambeeyee,
Weli qaba hamuuntee,
Buuraha qotada dheer,
Ka arkaaya qiiqee,
Qarka soo jafaayee,
Qolwadii mas baa galay,
Qodax baase hoos taal,
Fule quudhsigii diid,
Geesi qoorta soo dhigey,
Faras qaayihiisii,
Qurux buu ku doorsaday,
Qab qab dhaafay baa yimi,
Qosol qoonsimaad noqey,
Qabyo waa halkeedii!
Heestan Hal la qalay, waxa ay si qota-dheer u qaawinaysaa sidii loo kala boobay ee la isugu hirdiyey midhihii iyo manaafacaadkii yaraa ee laga dheefsan lahaa gobanimadii iyo dawladnimadii 1960 ay soomaalidu qaadatay. Waxa ay maansadu sii iftiiminaysey oo dadka u tilmaamaysey la yaabka iyo wacdaraha ka soo “jiijii leh” ee ay soo gelbinayaan ciidamadii qalabka sidey (Saraakiishii Askarta) ee afgembiga ku tuurtay qolyihii ka horreeyey ee xeedhada salkeeda caddaanka (waxa yaree) ka muuqda ku muransanaa. Ka hor intii aanay soo bixin riwaayadda Tawaawac ee heestu ka midka ahayd, abwaankuna aanu allifin, ayaa waxa u yeedhaya oo loo geeyey Hadraawi Janankii Askarta Inqilaabka hoggaaminayey Gen. Siyaad Barre. Waxa Hadraawi laga daba- joogey oo laga raacay Silsiladdii Siinleyda. Markaas loo yeedhay waxa Maxamed Ibraahim la hor-qaaday keeno damac iyo hunguri horseed u yihiin, taas oo Hadraawi diidmo-qayaxan kaga badheedhayo, sida uu xambaarayo tuduca (beydka) saddexaad ee heesta Hal la qalay. Hadraawi ma diidayo oo keliya in uu wax la qaybsado nimankii talada maroorsaday (Qalanjada faraha dheer), balse wuu u quus-gooyey, waxanu ku dhawaaqay ka-hor-imaad cad iyo ka soo kacaay (qaylo-dhaan), isaga oo dil iyo xabsiba ugu badheedhsan, waana tii laguba xidhay.
Heesaha riwaayaddan waxa suuqa-madow ku duubay oo wada qaaday fannaanka Muuse Ismaaciil Qalinle, waxana heesaha kale ee la yaabka leh ee riwaayaddan ku jirey ka mid ahaa heesta Wadnahaan Far-ku-hayaa oo dadku badiba u yaqaan Ceel Walwaaleed. Waxa heestani iyana muujinaysaa sida isbeddel dalku ugu baahnaa iyo sida kan (afgembigii1969) dhacay aanu u ahayn kii loo baahnaa, waxana midhaha maansadan ka mid ah:
Wahe dhalashadaadaan,
Farxad waalan gaadhoo,
Weedhkiyo dabaylaha,
Ama weriyahaygii,
Goortaan waraystaa,
Werwer ii dhammaadoo,
Wahab layga qaadoo,
Lugtu weerar mooyee,
Wahsigii illowdoo,
Wadar iga lib-haysaan,
Is-lahaa ku wiirsoo,
Wiil curad sidiisaan,
Wanan kuu bireeyoo,
Waayeel duceeyaan,
Wacayoo u yeedhee,
Walqashaadi maadaa,
Cunay waaxyaheedii?
Weger iyo ka waaweyn,
Tani waa ka waasacan,
Hadday ceel walwaaleed,
Ku go’aan wadaamuhu,
Waan-waani dhacantee,
Wadnahaan far ku hayaa
Heestani waxa ay ku turanaysaa oo cuskanaysaa, abwaankuna waafajiyey nuxurkeeda ka sakow far-shaxannimo heer sare ah. Waxa uu ina halacsiiyey oo ina horkeenay kacaankii dhashay oo loo riyaaqsan yahay, haddana walqashiisii iyo axankiisii oo isku meel maalin qudha lagu wada bislaynayo, kana dhigan hal geel ah oo dhashay, haddana iyadu is-nuugtey oo nirigtii qadisay (can-qarin kari waydey)! Taas ayaa Hadraawi la anfariirayaa, kana sii werinayey qaala-dhaan dheer oo dhiilla-sideen iyo digniinba isugu jirta, waxana heestu isbeddelkii dhacay iyo qolyihii Askarta ahaa ee kursiga soo fuulay ay ku sifaysey ‘ka daryoo dibi dhal’. Waxa uu Hadraawi feejignaanta dareenkiisa iyo miigganaanta damiirkiisa ku mutaystay in xabsiga loo taxaabo oo lagu tuuro!
Maxamed Ibraahim Warsame waxa uu jeelka Qansax-dheere ka cawaynayey oo jiifey 1973 –1978. Waxa ay ahayd markii ugu horraysey ee uu Hadraawi suugaanta soomaalida u eedoobo, ma noqonse markii ugu dambaysey ee uu colaadin, cadaadin iyo cadhayn ama canbaarayn ku mutaysto maansada soomaalida iyo run ka sheegisteeda. Markii jeelka Hadraawi laga sii daayey 1978 waxa loo magacaabay in uu noqdo Agaasimaha Waaxda Fanka ee Akaademiyadii Cilmiga iyo suugaanta.
Sannadkii 1979 waxa dalka ka curatay Silsiladdii maansada DEELLEY. Maxamed Xaashi Dhamac Gaarriye ayaa silsiladdan bilaabay bishii Diisambar 1979, waxanu ku furay tixda kulul ee Dugsi ma leh Qabyaaladi. Bishii jenaweri 1980 ayaa Hadraawi soo gelayaa Deelleyda oo Gaarriye ku labeeyey, waxanu ku soo galay oo noqotay maansadii labaad ee silsiladdaasi tixda Daalacan. Hadraawi waxa kale oo uu silsiladda Deelley ku lahaa mannsadii Daahyaley oo uu tiriyey mar dambe oo uu rogaal celin ahaan ugu noqday silsiladda.

Posted by Ik Hajji

Leave a comment

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.